Ku soo dhawaada xalaqadii 1-aad ee barnaamijka Barbaarta oo ka baxa Dawan Media. Waxaan xalqadan ku martiqaadnay Cumeer Xasan, oo ah Youtuber caan ah, dhawaanna ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxtinnimada Soomaaliya.
Cumeer waxa uu inala wadaagayaa sheekadii ka dambaysay caannimadiisa, caqabadihii uu wajahay, iyo sida uu u arko tartanka madaxtinnimada. Sidoo kale, waxa uu si qoto dheer uga hadlayaa fursadaha dhaqaale ee ku jira baraha bulshada iyo sida lacag looga sameeyo.
Waxa aad ku baran doonto muuqaalkan:
Halkuu ka bilowday: Bilowgii Cumeer Xasan iyo caqabadihii hor taagnaa.
Siyaasadda: Sababta uu u go’aansaday inuu noqdo musharrax madaxweyne.
Dhaqaalaha Digital-ka: Qaabka dhabta ah ee lacagta looga sameeyo YouTube.
Guusha: Cidda gacan ka siisay safarkiisa guusha.
Hosted by: Abukar Osman Gedi
Production:All rights reserved by Dawan Media.
#Barbaarta #DawanMedia #CumeerXasan #SomaliPodcast #YouTubeSomalia #Somalia2026